Shirka wasiiradda isbeddelka Cimilada ee Afrika oo Nairobi lagu soo gabo gabeeyey

Shirka wasiiradda isbeddelka Cimilada ee Afrika oo Nairobi lagu soo gabo gabeeyey,Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu hogaamiyay Wasiirka Deeganka iyo Isbadalka Cimilida, Mudane Bashiir Maxamed Jamac (Bashiir Goobe).

Shirkan oo ay soo qqban qqqbisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo isla markaana ah wakiilka joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Hay’adda Cimilada ee Qaramada Midoobay oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNEP.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle iyo Diplomasiyiinta Safaaradda ayaa mudo dhowr bilood ah qayb ka ahaa abaabulka shirkan oo labadii sanno ba mar la qabto. Shirkii aan caadiga ahayn ee sanadkii hore lagu qabtay Magaaladan Abidjan ee dalka Ivory-coast ayaa ku soo aaday iyada oo safiirka Soomaaliya ee Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ahaa gudoomiyaha Wakiilada joogta ah ama safaaradaha Africa kaas oo wadada u sii xaaray doorka muhimka ah oo ay Soomaaliya ka qaaday Shirkan sanadkaan.

Iyadoo dunidu ay la daalaa dhacayso xasaradaha cimilada ee sii xumaanaya, ayaa dalka Soomaaliya waxa uu safka hore kaga jiraa la dagaalanka xaaladaha keena isbadalka Cimilada.

Soomaaliya ayaa sanadkan kaalin muhim ah ka qaadatay shirka wasiirada deegaanka it cimilada ee Afrika. Wasiirka Bashir oo kaalmeysana diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa si hufan uga qaybgalay shirkaas, guulo wax ku-ool ahna ka soo hooyay.

Wafdiga Soomaaliya uga qayb galay ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha deegaanka. Ka qaybgalka firfircoon ee Dowlada Soomaaliya ayaa fariin cad u dirtay caalamka in Soomaaliya u heellan tahay la dagaalanka caalamiga ah ee ka dhanka ah isbeddelka cimilada, waxayna si hagar la’aan ah uga shaqaynaysaa ilaalinta dhulkeenna, kheyraadkeenna.