Shirka wadatashiga Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo muddo laba maalina ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyey.
Wasiirka Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo shir gudoominayey kulanka ayaa tilmaamay inay joogteyn doonaan kulamada noocaan ah si loo xoojiyo wada shaqeynta bahda Xanaanada Xoolaha, islamarkaana la isaga kaashado hawlaha hortabinta u leh Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DFS, Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Falanqeyn iyo dood dheer kaddib shirka waxaa laga soo saarey warmurtiyeed lagu faahfaahiyey qodobaddii laga soo saaray shirka.
1. In la xoojiyo wada shaqeynta iyo xirriirka Wasaaraddaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo saddexdii biloodba mar leysugu imaanayo laguna qabanayo mid ka mid ah dowlad goboleedyada.
2. Si loo dardar geliyo shaqooyinka muhiimka ah waxaa laysku raacay in guddi heer farsamo ah ay kulmaan bishiiba mar.
3. Shirka wuxuu si qoto dheer ugu hadlay abaaraha soo noqnoqday islmarkaana saameynta weyn ku yeeshay xoolaha iyo xoola dhaqatada, sidaa darteed shirka wuxuu soo jeedinayaa in xooga la saaro waxsoosaarka calafka xoolaha, dibna loo soo nooleeyo daaqii qaranka ee lahaa seerooyinka kala duwan sida; (Seero Xiliyeed, Seero Abaareed iyo Seera Guud).
4. Si loo hubiyo badqabka & Caafimaadka bulshada, islaamarkaana looga hortago cudurada ka yimaada xoolaha ee u gudba dadka; shirka wuxuu go’aamiyey in wasaarduhu ay hubiyaan xoolaha loo diyaariyey in la qalo.
Gunnaanad Baaqyada Shirka
1. Shirka wuxuu ku baaqay in dhammaan Ummada Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.
2. Shirka wuxuu ku baaqay in la badbaadiyo xoola dhaqatada xoolahooda, inta aysan ka dhammaanin.
3. Shirka wuxuu u mahadceliyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS oo laheyd qaban qaabada kulanka.