Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir ballaaran oo u dhexeeya ururrada siyaasadda ee diiwaangishan iyo Xukuumadda Federaalka ayaa si rasmi ah ufurmay, Waxaana Kasoo qeyb galay Madax sare oo ka socoto Hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasiir dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga qabanqaabada Gogosha Qaran, ee uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shir weynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheikh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo qaran.