Shirka wadatashiga Qaran oo maanta looga hadlayo arrimo muhiim ah

Shirka Golaha wada tashiga Qaran ee Arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii saddexaad galay.

Shirkan oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa shalay diirada lagu saaray ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ajandayaasha horyaala shirka.