Shirka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane, Abshir Axmed Haruuse ayaa si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in shirka maanta furmaya uu gebogebo u yahay shuruudihii ku xirnaa in ay Soomaaliya ku biirto Ururka EAC.

Wafdigan oo muqdisho ku sugnaan doona muddo tobban cisho ayaa la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee hey’addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto xubnaha Ururkan.

Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay faa’iido weyn ka heli doonaan isku gudbinta badeecooyinka la geeyo waddamada xubnaha ka ah Ururkan, taas oo kor u qaadi doonto dhaqaalaha dalka.

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.