Shirka taliyeyaasha Boliiska dowlad goboleedyada oo ka furmay Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta si wadajir ah u furay shirkaTaliyayaasha Booliska dowlad goboleedyada dalka iyo Taliska guud ee booliska federaalka Soomaaliyeed.

Shirka oo soca doona muddo 3 maalmood ah  ayaa looga hadli doonaa in heerarka kala duwan ee booliska dowlad goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan horumarinta tababarrada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan.