Shirka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):’Waxaa si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmay Shirka daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa ilaalinta iyo badbaadinta Shacabka Rayidka ah xilliyada ay socdaan hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, Diblomaasiyiin, iyo Marti-Sharaf kale oo ka kala socota dhinacyada ay khuseyso siyaasaddan.

 

FB_IMG_1788597740677.jpgFB_IMG_1788597753391.jpg

FB_IMG_1788597758214.jpg