Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo markale maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoo Qorshuhu yahay in madasha uu daah furo Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa Sanadkan lagu lafa guri doonaa mawduucyo ay ka mid yihiin Federaaleynta Garsoorka dalka, kaas oo hadda u dhisan qaabka dowlad dhexe, waxaana ka qeyb galaya guud ahaan Bahda Garsoorka dalka, Heer federaal, heer dowlad goboleed iyo Madax kale oo lagu casuumay.