Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo caawa ka socda Muqdisho

Shirka Madaxda Gollaha wadatashiga Qaranka oo ay iswada jirta usoo xaadireen dhamaan Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble & Madaxda Maamul Gobaleedyadda iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa caawa ka socda magaaladda Muqdisho.

“Shirka Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka oo caawa loo ballansanaa ayaa galay Maalintii 5-aad oo ay siwada jir ah uyeelanayaan, Ra’iisal wasaaraha, dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyadda iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Si loosii ambaqaado Ajandayaasha.

Shirka ayaa ka socda hotelka Decale ee Magaaladda Muqdisho halkaas oo ay xaadir kuwada yihiin Dhamaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran,Waxii horumar ah ee ka soo kordha shirka inshallah waan idinla socodsiin.doonnaa.

ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya