Shirka Madasha Garsooreyaasha oo la soo xirayo maanta

Shirkan oo shalay ka furmay magaalada Moqdisho ayaa waxa looga hadlay arrimaha Garsoorka waxaana ka qeyb galay garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gob.Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka.

Shirkan oo uu daah-furay Guddoomiyaha Mxakamadda sare dalka Baashe Yuusuf Axmed ayey ka qeyb galayaashu kaga doodeen islamarkaana isweydaarsadeen warbixino iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta.iyo falanqeyn Guud ee Garsoorka iyo cadaalad sameynta

Shirka oo maanta la soo gebo gabenayo ayaa lagu wadaa in ay ku soo biiraan mas’uuliyiinta ka socda waaxda Cadaaladda iyo Garsoorka iyagoo hadallo ka jeedin doonaan dhammaadka shirka.