St. Petersburg:- Waxaa magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda (international United Cultures Forum), kaas oo socday intii u dhexeysay 10-13 bishan.
Madashan Caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgaley in ka badan 70 dal iyo ururro caalami ah.
Waxaa Dawladda Soomaaliya uga qaybgalay wafdi uu horkacayey Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac .
Wasiirka intii madashu socotay wuxuu kulmo gooni gooni ah la yeeshay Wasiiradii dhiggiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee shirka ka soo qeybgashey.
Madasha waxaa si rasmi ah u soo xiray madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin.