Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya maanta

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo Muqdisho.

Shirkaan oo afar mar la qabto sanadkii ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aadannimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsoomay, diyaar-garowga xaaladda, Lagagana hortago leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha gargaar ee jira.

Madasha waxaa ka qeyb-galaya wakiillo ka socda dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee dowlad goboleedyada, Maamulka Khaatumo,  Gobalka Banaadir, madax ka socota.