Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Jowhar(Wargeyaka Dalka):-Magaalada Jowhar waxaa maanta laga furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaasoo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), isla markaana ah kii 9-aad, ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan barakaca, abaaraha, iyo sidii loo mideyn lahaa jawaabaha degdegga ah ee laga bixiyo musiibooyinka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe, uu si rasmi ah u daah-furo shirka.