Shirka isbedelka Cimilada Aduunka oo ka dhacay dalka ingiriiska(COP26 Glasgow – UK)

Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Raisul Wasaaraha, Mudane Axmed Yusuf Axmed, ayaa ka qayb galaya shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada, kaas oo ka dhacaya Magaalada Glasgow ee waddanka Boqortooyada Ingiriiska. Shirku wuxuu billowday 31dii Oktoobar wuxuuna socon doonaa illaa iyo 12ka bishan Nofeembar 2021.

Shirkan oo muhiimad gaara u leh dhammaan wadamada caalamka ayaa waxaa ka soo qayb galay in ka badan 30,000 oo qof, oo ay ka mid yihiin 120 Hogaamiye oo isugu jira Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal.
Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada waxa uu dhaqan galay bishii Maarso 21keedii sanadkii 1994 tii, waxaana la qabtaa sanadkiiba mar. Heshiiska waxaa qayb ka ah 197 waddan. Shirka hadda ka socda Glasgow waa kii 26aad (COP26). Shirkan oo ah kii ugu muhiimsanaa marka loo eego shirarkii ka horeeyay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo looga midha dhalinayo heshiiskii Paris ee sanadkii 2015kii, heshiiskaas oo dhigayay in korodhka heerkulka adduunku uu san kor u dhaafin 1.5°C.

Waddan kasta oo qayb ka ah heshiiskan Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada waxaa shirka uga qayb galaya wafdi ka socda dalkaas oo ku matala wada xaajoodyada heshiiska. Waddamada waxaa loo qaybiyaa kooxo waaxaana ka mid ah: Kooxda Afrika, Waddamada Horumarkoodu hooseeyo (Least Developed Countries- LDCs), Kooxda 77 + China (Isbahaysi ka kooban 134 dal oo ka mida waddamada soo koraya), Waddamada Jaziiradaha yar yar, Midowga Yurub, Carabta iwm. Kooxahaasi waxa ay ka shaqeeyaan danaha waddamada xubnaha ka ah.

Soomaaliya waxa ay qayb ka tahay Kooxda Afrika (African Group), Kooxda 77 + China iyo Waddamada Horumarkoodu hooseeyo. Khabiiro ka socda kooxahaas ayaa ka qayb gala wada xaajoodyada shirka iyaga oo soo bandhiga danaha iyo afkaarta waddamada xubnaha ka ah. Inta uu shirku socday, xubno ka tirsan wafdiga Soomaaliya ayaa ka qayb galayay wada xaajoodyada goobjoogna ka ahaa.

Ujeeddooyinka shirku waa afar:
1. Si korodhka heerkulka adduunka uusan u dhaafin 1.5 degree , waa in qarnigan badhtankiisa la joojiyo dhammaan kaarboonka hawada wasakheeya.
2. In la ilaaliyo bulshooyinka iyo khayraadka dabiiciga ah
3. Yaboohidda dhaqaalaha wax looga qabanayo isbeddelka cimilada, bartilmaameedka dhaqaale ee la rabo in la gaadho waa 100 bilyan oo dollar sanadkii.
4. In si wada jir ah looga wada shaqeeyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada
Soomaaliya ma lahan warshado qaac ku siidaaya hawada. Wasakheynta hawada waxaa sababa waddamada horumaray iyo kuwa warshadaha waa weyn leh. Laakiin saameynta isbeddelka cimiladu waxa uu aad u waxyeelleeyaa waddamada aan horumarin oo ay Soomaaliya ka mid tahay, sida abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, caafimaad xumo, cuntada yaraan , deegaan burbur iyo heekulka oo sare u kaca. Inta uu shirku socdo, Soomaaliya iyo waddamada ay isku dhinaca yihiin waxa ay ku dadaalayaan in waddamada horumaray ay kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa cimilada isbeddalaysa, waxaana loo baahan yahay in lala qabsado isbeddelka cimilada. Laqabsigu waxa uu u baahan yahay dhaqaale. Heshiiska Qaramada Midoobay waxa uu dhigayaa in waddamada horumaray ay bixiyaan dhaqaalaha ay u baahan yihiin wadamada soo koraya si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, isla markaana wadamada horumaray u gudbiyaan waddamada soo koraya cilmiga iyo tiknoolajiyada si aqoontooda loo dhiso.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa maalmaha soo socda kulammo gaar gaar ah la yeelan doona hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo waddamada saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay doorkeeda ka ciyaarto isla markaana ay ka midha dhaliso sidii uu dalku uga faa’idaysan lahaa go’aamanka ka soo baxa Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka.