Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Shirka Horudhaca ee Hannaanka Wada-shaqeynta Tiirarka ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025–2029), oo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa kulanka maanta waxaa diiradda lagu saaray Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadamiga.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, waxaana ka soo qeybgalay hay’adaha dowladda federaalka, bulshada rayidka, ganacsatada iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.
Qeybtii hore ee shirka waxaa lagu falanqeeyay sidii Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay (UNCF 2026–2030) loo waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaran, halka gelinkii dambe lagu qiimeeyay horumarka la gaaray, caqabadaha jira iyo meelaha u baahan maalgelin dheeraad ah.
Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Karaanka Aadamiga wuxuu mudnaan siinayaa adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo fayodhowrka, daryeelka bulshada, xuquuqda aadanaha, haweenka iyo dhalinyarada, dadka naafada ah, guriyeynta, dhaqanka iyo hiddaha.
Ugu dambeyntii, kulanka waxaa looga dooday ajandaha rasmiga ah ee Shirka Hannaanka Wada-shaqeynta Tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaran oo la qaban doono bartamaha bisha Sebteembar 2025.