Shirka Gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika

Shirka Gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika inta udhaxeesay 13-ka illaa 22-ka Sibtember 2024 ayaa maanta la soo xiray.

Xildhibaan Zamzam Maxamed Cumar (Gobsan) oo Kamid ah Mudanayaasha BJFS sidoo kalana Xubin ah Guddiga Pan-Africa ayaa ka qeyb gashay shirka iyadoo ku Mataleysa dowladda soomaaliya.

Shirkaan Gudiyadda Joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Africa oo ka duwanaa shirarkii hore ayaa waxaa sanadkaan lala qabtay shirarka xoghayayaasha iyo gudoomiyayaasha Baarlamaanada Afrika iyo Baarlamaan gobaleedyada qaarada Afrika ee shanta ah.

Waxaana labadii maalmood ee ugu horeeyay shirka loo qabtay guud ahaan xildhibaanada xubnaha ka ah Baarlamaanka Pan-Afrika aqoon-isweydaarsi lagu baranayay Natiijada Saldhiga u ah Maamulka iyo Qorshaha Istiraatiijiyada Baarlamaanada Afrika.
Baarlamaanka Pan-Afrika oo ah baarlamaan ay ku mideysan yihiin 54 dowladood oo midkiiba uu shan xubnood oo matasha usoo dirsado ayaa hoostaga Ururka Midowga Afrika.