Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maalintii 5aad galay.

Madaxda golaha wadatashiga Qaran ayaa maanta oo sabti ah sii amba-qaaday kulankoodii ay diirada ku saarayeen arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Madaxda ayaa waxa ay  maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa balan qaaday in dalka ka qabsoomeyso doorasho daaf-furan oo lagu kalsoon yahay iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha shacabka.