Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goordhow ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Qaranka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmaya Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.