Waxaa maalintii 3-aad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa diiradda lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka.
Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Nuur Macalimuu, oo ka xog waramay shirka ayaa sheegay in madaxdu ay si hufan uga doodeen maanta ajandeeyaashii la qorsheeyay ee dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada iyo amniga doorashadda. Iyagoo ballan qaaday inay fulin doonan tallooyinkii ka soo baxay shirarkii kala duwana ee madaxdu la yeeshaan Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Beesha Caalamka.