Shirka ciidanka heeganka Afrikada Bari oo galay maalintii saddexaad

Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF) ayaa galay maantii sedexaad iyada oo uu furmay Kalfadhiga Heerka Sare ee Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca EASF.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Mudane Cumar Cali Cabdi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana guddoominayay Sarreeye Guuto Madey Nurey Sheikh, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyeyaasha sare ee ciidamada waddamada xubnaha ka ah EASF ayaa isugu yimid si ay uga wadahadlaan iskaashiga difaaca ee gobolka, diyaargarowga hawlgallad, iyo qorsheynta istiraatiijiyadeed.

Agaasimaha EASF, S/Guuto Paul Kahuria Njema, ayaa soo bandhigay Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee EASF ee 2026–2030. Natiijooyinka ka soo baxa kulanka Taliyeyaasha ayaa saldhig u noqon doona doodaha Shirka Golaha Wasiirrada ee dhici doona dhammaadka toddobaadkan.

Wafdiyada ka socda waddamada xubnaha ah ayaa bogaadiyay martigelinta Soomaaliya ee shirkan, iyagoo ku tilmaamay astaan mideyneysa gobolka iyo muujin qurxoon oo ka tarjumeysa xasilloonida sii kordheysa ee dalka.