Shirka carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo ka furmay Nairobo

Nairobi-(Wargeyska Dalka)-Shirka qorshaynta carbiska Hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Bulshada Bariga Afrika oo ka furmay Xarunta Tababarka Nabadda iyo Gargaarka Bani’aadamka (Humanitarian Peace Support Training Centre), Nairobi, Kenya.

Waftiga Soomaaliya ugu qaybgalaya shirka oo uu hoggaaminayo Gaashaanle sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Taliska tababarka iyo Doktorinka XDS (oo ah madaxa waftiga), ayaa ka kooban saraakiil ka socda Taliska Ciidanka XDS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirkan ayaa lagu qorshayn doonaa wajiga koowaad ee carbiska howlgallada wadajirka ah, wuxuuna socon doona muddo saddex maalmood ah.