Shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo Nairobi ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay halkaasi.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa ajendayaal ay ka mid yihiin wax-soosaarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbeddelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa illo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.