Shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS ayaa markii ugu horreysay ku qabatay magaalada Muqdisho Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamo casriya iyo xal waara.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo bandhiggan ku csuumay daneeyayaasha, saamileeyda beeraha, Bankiyada iyo shirkadaha ganacsiga ayaa sheegay in dulucda bandhiggu uu yahay horumarinta beeraha iyadoo la adeegsanayo Teknolojiyadda casriga ah, hal abuur iyo xal waara, taas oo lagu dhiirri gelinayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in Bandhiggan ay Wasaaradda Beeraha XFS sameysay uu tusaale wanaagsan u yahay in dalkeennu horumar gaaray.

Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliyeed oo markiisii ugu horaysay dalka lagu qabtay sanaddan 2022 ayaa lagu wadaa in berrito lasoo gabagabeeyo.