Shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Muqdisho shirka Banbaxa Gobolka Banaadir oo ujeeddadiisu tahay isbarasho iyo in la isku keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka si loo hormariyo, dib-u- habayna loogu sameeyo qaab dhismeedka shaqo ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlayaa inuu maamulka Gobolka Banaadir yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed oo ku saleysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyada bulshada Magaalada Muqdisho.