Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025) oo ay soo qaban-gaabisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo loo marayo hannaan loo dhan yahay, xoojinta hawlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isuduwidda iyo kor u qaadidda iskaashiga.