Shir Wadatashi ah oo u furmay Wasiirrada Gaadiidka heer Federaal iyo D/gobaleed

Shir Wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ayaa maanta ka furmay Muqdisho.
Shirkan oo ah midkii u horreeyay muddo sanno ka badan ay yeelanayaan wasiirrada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ayaa socon doonaa muddo saddex maalin ah , iyadoo warmurtiyeed laga soo saari doono.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo shirka furtay ayaa sheegtay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga , wada-shaqeynta horumarinta iyo mideynta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.