Shir socday Muddo saddex bari oo maanta ku soo gabagaboobay Magaaladda Muqdisho.

Shir socday Muddo sadex bari ah oo ay ka soo qeyb galeen xubno kala mata layay wadamada bariga Afrika ee ku midoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ku soo gaban gaboobay Magaaladda Muqdisho.
Shirkaan oo looga hadlayay ka faa’ideysiga khayraadka biyaha ee Badda iyo wabiyadda (Blue Economy) ayaa looga dooday dajinta Istiraatiijiyad looga shaqeyn karo ka faa’ideysiga kheyraadka biyaha ee wadamadaan geeska Afrika ay hodanka ku yihiin.
Soomaaliya ayuu shirkaan muhiimad gooni ah ugu fadhiyaa maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika islamarkaana la isla meel dhigayay ka faa’ideysiga xeebaha ee wadamada IGAD ay goonida ukal leeyahiin.
Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga XFS asaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay bulshadeeda ugu faa’ideyso khayraadka biyaha ee Wabiyo iyo Bad leh taas oo Eebe ku maneystay.
Masuuliyiinta ka socotay wadamada kala duwan ee IGAD ee shirka qeybta ka ahaa ayaa laga filayaa inay wadamadooda ka dhaqan galiyaan ka faa’ideysiga khayraadka Biyaha (Blue Economy)
Waa markii ugu horeysay ee shirkaan lagu qabto Soomaaliya taas oo ka turjumeysa nabadda iyo hormarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso waxa ayna la mid noqoneysa wadamada geeska Afrika ee shirarka wadamadaan martigaliya.