Shir sanadeedka garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shir-sanadeedka Garsoorka Dalka 2023-ka, oo sanadkii shanaad oo xiriir ah ka dhacaya Muqdisho

Shirkan ayaa looga hadlayaa federaaleynta Garsoorka iyo sidii ay u wada shaqayn lahaayeen garsoorka maamul goboleedyada iyo kan Federaalka, kaas oo hirgelintiisu ay soo jiitamaysay muddo dheer.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray sal u dhigidda garsoorka dalka, taas oo sababtay in ay bulshadu u caddaalad raadsadaan meel ka baxsan nidaamka dowladda.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay dhaqanka ah hor istaagga sharciga ee ay sameeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, wuxuuna ku boorriyay cid kasta oo loo adeegsado awood inuu dacwoodo kana gun gaaro una dhinto toosinta sharciga si loo helo caddaalad loo dhan yahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa madaxweynaha Qaranka ugu mahad celiyay inuu dardar geliyo shir lagu gorfeynayo garsoorka oo ah baahi isku xiran si ay bulshadu u hesho caddaalad.

D”hammaanteena waa in aan dhexda u guntanaa in la helo garsoor dhammeystiran “ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Shirkan oo socon doono laba Cisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caddaaladda, wasiirka arrimaha gudaha XFS, Gudddoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, xeer ilaaliyaha Qaranka , garsoorayaasha maamul goboleedyada, maxkamadda gobolka Banaadir, Ururka qareennada Soomaaliyeed, xubna ka socda labada gole ee baarlamaanka , Bulshada rayidka,  garsoorayaasha maxkamadaha dalka iyo qaar ka mid ah hoggaanka saraakiisha ciidamada dalka.