Shir muhiim u ah Soomaaliya oo lagu soo xiray dalka Hindiya

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kamid yahay Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar” ayaa ka qeyb galay meertada 90-aad ee shirweynaha Boliiska caalamiga ah ee (INTERPOL) oo lagu soo gabagabeeyay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Shirka oo socday 18-21 bishaan Oktoobar ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 165 dal,waxaana diirrada lagu saaray ka hortagga dambiyada maaliyadeed ee caalamiga ah,wax ka qabashada burcadda internet-ka,la dagaalanka Argagixisada,ka hortagga dambiyada isaga gudba xuduudaha,daroogada, ka hortagga xadgudubyada loo geysto carruurta iyo arrimo kale,iyada oo intii uu socday lagu dhisay gudiyo kala duwan oo ka shaqeynaya arrimahaas.

Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa tilmaamay  in Soomaaliya ay muddo dheer xubin firfircoon ka aheyd  INTERPOL burburki kaddibna ay dib ay ugu biireen sanadkii 2012-2013,isaga oo xusay in shirka aad loogu falanqeeyay iskaashi laga yeesho la dagaalanka Argagixisada iyo wadaaga macluumaadka ku saabsan dambiyada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dowr muuqda ka ciyaarta dadaallada xasilinta iyo ka shaqeynta dowlad wanaagga waxeyna si firfircoon uga dhex muuqataa hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee ay kamid tahay.