Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta hwolaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hay’adaha Kala duwan ee dowladda.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.