Shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Dalka oo la filayo in Garoowe uu ka furmo

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland gaaray wafdi ay horkacayso Guddoomiye ku xigeenka bulshada iyo wacyigalinta Gobolka banaadir.

Socdaalka Guddoomiye ku xigeenka bulshada iyo wacyigalinta Gobolka banaadir waxaa ku wehliya Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banadir.

Garoowe ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlayo Horumarinta Waxbarashada Dalka kaa oo ay ka qeyb galayaan Masuuliyiinta Waxbarashada dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada dalka.

Shirkaan waxaa Hogaanka u haysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya,waxa uu na socon doonaa saddex maalmood, sida ay sheegtay Guddoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti.