Shir looga hadlayo horumarinta Miisaaniyada dalka oo Mogadishu ka furmay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maaalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta miisaaniyadda iyo Illaha dhaqaalaha iyo waxsoosaarka dalka.

shirkan ayaa waxa ka qayb galaya xubno ka socda dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.