Shir looga hadlayo Amniga Dagmada Cabudwaaq oo halkaasi ka dhacay

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir guddoomiyay Shirka Amniga Dagmada Cabudwaaq.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen maamulka Dagmada, Laamaha Amniga Dagmada, Garsoorka Dagmada iyo Gudiga Wacyigalinta, Horumarinta iyo Dib u Heshiisinta Cabudwaaq ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,waxaana diirada lagu saaray sidii Amniga Dagmada Cabudwaaq oo hada so hagaagay sare logu sii qaadi lahaa islamarkana uu u noqon lahaa mid la isku halayn karo.

Shirkaan oo ay hadalo ka soo jeediyeen dhinacyadii fadhiyay ayaa ugu danbeyn waxaa lagu heshiiyay in maamulka Dagmada, Laamaha Amniga Dagmada, Garsoorka Dagmada iyo Gudiga Wacyigalinta, Hormarinta iyo Dib u Heshiisinta Cabudwaaq in ay iska kaashada Xasilinta Magaalada iyo Hormarinteeda ayago kaashanaya Xildhibanada Deeganka iyo Wasaaradaha ay quseeyso.