Shir looga hadlayay qorshaha ay ciidanka xoogga kula wareegi lahaayeen amaanka dalka oo lagu soo gabagabeeyay Masar

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Maxamuud Cabdi Xasan iyo safiirka dowladda Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire, Ilaas Sheekh Cumayr ayaa soo xiray kulan looga hadlayay qorashaha ay ciidamada xoogga dalka kula wareegi lahaayeen amniga guud ee Soomaaliya oo ka dhacay dalka Masar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxameed Siciid oo ka mid ah guddiga farsamo ee ka shaqaynaya qorshaha ay XDS kula wareegayaan amaanka dalka ayaa sheegay inay la kulmeen xubno ka socda beesha caalamka oo taqasus u leh arrimaha xasilinta, maal gelinta iyo tababarrada Ciidamada.

Agaasimaha ayaa sheegay in xubnaha ka socday beesha caalamka ay uga warbixiyeen heshiiskii ay la gaareen AMISOM iyo habka ay Ciidanka XDS howsha ula wareegi doonaan, wuxuuna intaa ku daray inay wadaan sidii dhaqaalo iyo taageera loogu heli lahaa fulinta barnaamijka.