Shir looga hadlayay dhaqaalaha Baluugga ah oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho

Waxaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan talo wadaag ah oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ay kaga doodayeen dhinacayada ku howlan dhaqaalaha bulluugga ah.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha Bulluugga ee dalka iyo diyaarinta istiraatiijiyad horumarsan oo qeyb ka noqon karta kuwa wadamada ku bahooday Bulshada Bariga Afrika.

Shirka oo ay qaban qaabadiisu iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS iyo Guddiga Dhaqaalala Africa (UNECA SROEA) ayaa waxaa ka qayb galay dhinacyada ku fooggan Dhaqaalaha Buluugga oo ay kamid yihiin wasaaradaha heer federaal, xarumaha waxbarashada iyo khuburo dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ah.

Kulanka ayaa laysku dhaafsaday aragtiyo, doodo iyo farsamooyin ku saabsan diyaarinta Istiraatiijiyad lagu maamulo laguna horumarin karo dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka taas oo la jaan-qaadeysa kuwa wadamada Bulshada Bariga Afrika oo uu dhawaan dalkeennu xubin buuxda ka noqday.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo kaashaneysa dhinacyada kala shaqeeya Dhaqaalaha Bulluugga iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleysatay in ay hirgeliso siyaasadda Qaran ee dhaqaalaha Buluugga iyo hannaanka isla maareynta dhaqaalaha Bulluugga ee guud ahaan dalka.