Shir ku saabsan xoojinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ka furmay Nairobi+Sawirro

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ka bilowday shir ku saabsan hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka oo u dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda IMF.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay muhiimadda shirka ayaa sheegay in shirka lagu lafa-gurayo heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa.

Sidoo kale, Muddada shirka uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa qaabkii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa xoojinta dhaqaalaha Soomaaliya mustaqbalka dhaw.

Shirka sidoo kale, waxa ka qeyb galay hay’ado ka socday dowladda federaalka sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.