Shir ku saabsan Xoojinta amniga Gaalkacyo oo halkaasi ka dhacay

Shir looga arinsanayay xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta madaxtooyada puntland ee magaalada Galkacyo

Shirkaan oo isagu ah mid sadaxdii biloodba hal mar lagu qabto Gaalkacyo isla markaana looga hadlo waxyabihii uga qabsoomay labada maamul qorshayaashooda la xariira sugidda amniga sii xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta ka dhaqan gashay Gaalkacyo ayaa maanta la iskula soo qaaday in la tayeeyo ciidamada isku dhafka Gobalka Mudug si loo dar dar galiyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada

Shirka oo intii uu socday ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdullaahi Cabdi Salaam mas’uuliyiinta maamulka Gobalka iyo kuwa Degmada ee labada maamul saraakiisha amniga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ee Puntiland Xasan Cabdullaahi Wardheere iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar iyagoo sheegay in shirka lagu gaaray in lasii laba jibaaro la dagaallanka argagixisada meel walba oo ay kaga sugan yihiin Gobolka iyo in la tayeeyo ciidamada wadaaga ee labada dowlad gobaleed iyagoo dhanka kalana u mahad celiyay ciidamada Amniga Qaranka ee mar kasta kala shaqeeya Sugidda Amniga iyo Nabadgelyada Gobalka Mudug

Shirka ayaa imaanaya xilli sanadihii u danbeeyay ay muuqatay wada shaqeyn dhan walba ah oo u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland taasoo keentay in Gaalkacyo ay ka mid noqato magaalooyinka ugu amniga iyo Nabadgelyada badan Dalka.