Shir ku saabsan qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta oo ka furmay Magaalada Dhuusmareeb

Shirakan oo ujeedkiisu yahay in lagu lafa guro qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta ayaa inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa diyaarinta qorshahe Istiraatijiyadeed oo looga baaraan dagayo si loo meeel dhigi lahaa wax walba oo la xiriira Xaaladaha caruurta, iyadoo ay ka qeyb galayaan hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedka Galmudug, khubaro, Mas’uuliyiin ka socota madaxtooyada iyo Wasaaradda Haweenka Galmudug oo gacan weyn ka geysatay dar dargalinta tallaaboyinka lagu diyaarinayo xeerkan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale oo ka hadalay shirka ayaa sheegay in wadatashiyadan looga gol leeyahay in ugu dambeyn la gaaro dhidbida sharci qeexaya xuquuqda caruurta reer Galmudug, waxaana dhammaan ka qab galayaasha ay isku raaceen sida loogu baahanyaha helidda sharci la xariira caruurta Galmudug

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan macalin Xasan oo ugu dambeyn goobta ka hadley ayaa tilmaamey in Galmudug ahmiyad weyn siineyso dhameystirka sharciga Caruurta, waxaana Gunaanadka wadatashigan la filayaa in laga uruuriyo ka qayb galayaasha dhamaanba soo jeedintooda oo si guud loogu biirin doono wadatashiyada lala sameynayo dadkan la isu keenay, taasoo wax ku daris iyo ka dhimisba u noqon doonta dhameystirka qabyo qoraalka xeerka xuquuqda caruurta Dowlad Goboleedka Galmudug.