Shir ku saabsan dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gabangabeeyey shir u dhaxeeyey wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dowladda FS iyo wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dalka, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyey.

Shirkan oo labadii maalmood ee la soo dhaafey ka socdey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa looga arrinsanayey habsami usocodka howlaha shaqo ee horyaala Wasaaradahan, iyagoo ka doodey sidii loo sii amba qaadi laha mashariicda dib udhiska Wadooyinka dalka oo ka soconayo inta badan gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo shirka soo xirey ayaa xusay in ay Wasaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka go,aantahay dalka yeesho wadooyin la isku helayn karo, fududeynayana isu-socodka ganacsiga gobolada dalka iyo amnigooda.

Ugu dambeyntii shirka waxa laga soo saaray warmurtiyeed lagu soo aruuriyey nuxurka doodihii la’is dhaafsaday inta uu shirku soconayay waxana warbaahinta uu akhriyay wasiirka wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyeynta ee dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Dhiblaawe Casir .