Shir ku saabsan Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga oo ka dhacay Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa guddoomiyay kulan sanadeedka 3-aad ee Guddiga Hagidda Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
Wasiir Ashkir ayaa bogaadiyay howlaha u qabsoomay Guddiga sanadkii tagay, isagoo adkeeyay in si wadajir ah loo wajaho caqabadahii jiray, dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa ka hadlay ahmiyadda dhammeystirka habka Dhijitaalka ah ee dad dhigista iyo sida ay xilligaan u haboontahay baahinta adeegyada dad-dhigista dalka oo dhan.
Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saaxibbada caalamiga ah.