Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- kulamada Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, ayaa maanta galay maalintii labaad ee Kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah, kaasoo ka socda magaalada Muqdisho.

Khabiirro ka kala socda dalalka xubnaha ka ah EASF ayaa dib-u-eegis ku sameynaya xaaladda amni ee gobolka, qorshaha hawl-galka EASF ee sanadka 2026, Warbixinta Kormeerka Dibadda, iyo natiijooyinka qiimeynta madax-bannaan oo lagu sameeyay saameynta ka dhalatay colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), taasoo saameyn ku yeelatay dalalka Bariga Afrika.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni, wada-shaqeynta difaaca, iyo doorka EASF ee sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana maalmaha soo socda kusoo biiri doona Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay EASF.