Shil Gaari oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Dalka Masar

Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in Laba Qof ay dhinteen, halka 25 Qof oo kalena ay dhaawacmeen, kaddib shil ka dhashay isku dhaca Laba Gaari, kuwaas oo midkood uu ahaa bas Rakaab oo isaga kala goosha Gobollada Dalka Masar.

Warbixin uu si gaar ah u daabacay Wargeyska Al-Ahram ayaa lagu sheegay in shilkan uu ka dhacay Gobolka Badda Cas ee Dalka Masar. Shilku waxa uu ka dhashay isku dhaca Bas siday Rakaab iyo Gaari yar oo ay la socdeen Dad si gaar ah u safrayay, waxaana uu sababay burbur xooggan oo gaaray Labada Gaari.

Shilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel 95 kiiloomitir dhinaca Waqooyi kaga beegan waddada isku xirta Ras Ghareb iyo Hurghada, oo labaduba ka tirsan Gobolka Badda Cas ee Dalkaas.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada Ras Ghareb, halkaas oo loogu fidinayo Daryeelka Caafimaad ee lagama maarmaanka ah.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Masar ayaa dhankiisa sheegay in uu baaritaan degdeg ah ku hayo shilkan. Waxa kale oo uu caddeeyay in shilalka Gaadiidka ee Dalka Masar ay aad u soo bateen muddooyinkii dambe, balse ay socdaan dadaallo lagu doonayo in looga hortago khataraha ka dhalan kara Gaadiidka isaga kala goosha Gobollada Dalka.