Shil Dooni oo ka dhacay dalka Bangladesh ayaa sababay dhimasho tira badan

26 qof ayaa ku dhimatay dooni ku qallibmantay wabiga Padma ee mara  gobolka Madaripur, oo 63 km u jirta caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka.

Taliyaha Booliska ee gobolkaas Mirage Xuseen  ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada 26-kaan ruux, Waxa una intaas ku daray in doonta ay saarnaayeen 31 qof lana soo badbaadiyay 5-tii kale ee saarneed doonta.

Bishii April ee lasoo dhaafay, 34 qof ayaa dhimatay kadib markii ay isku dhaceen laba doon oo maraayay  Chitalakshia oo qiyaastii u jirta  30 km Caasimadda Dhaka.

Dadka degan koofurta dalkaas ayaa aad u istcmaala doomaha si ay u gaaraan caasimadda iyo gobalada kale ee dalkaas.