Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Ceel-waaq

Diyaarad sidday rakaab 45 ruux ah oo ka soo kicitantay magaalada Nairobi ayaa ka baxday dhabaha diyaaradaha (runway) markii ay ka degeysay garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-waaq ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba.