Shil Baabuur oo ka dhacay dalka Bangaladhesh oo sababay dhimashada 10 qof

Shil Baabuur oo ka dhacay koonfurta dalka Bangaladesh ayaa sababay dhimashada 10 qof iyo 25 dhaawac ah sida ay xaqiijiyeen Booliska,shilkan ayaa waxa sababay ka dib markii Baska siday dadka uu ku dhacay geed ku yaal wadada dhinaceeda.

Shilalka wadooyinka ayaa halis weyn ku haya dalka Bangaladesh iyadoo loo sababaynayo maaraynta taraafikada oo liidata, ku xadgudubka sharciyada wadooyinka, iyo darawalada oo aan xirfad lahayn, sida ay qabaan kooxaha xuquuqda rakaabka.

Ugu yaraan 543 qof ayaa ku dhintay 612 kalena way ku dhaawacmeen ilaa 427 shil baabuur oo ka dhacay guud ahaan Bangladesh bishii Abriil oo keliya, sida ay sheegtay Hay’adda Badbaadada Waddooyinka, NGO-ga fadhigiisu yahay Dhaka.