Shiinaha wuxu taageeraya nabadda, caddaalada iyo isku dayga xalk siyaasadeed ee qadiyadda Falastiin

Collaada Falastiin iyo Isra’il waxa nasiib daro ku naf-waayey in ka badan 10’000 oo ruux, welina tirada dhimasha way sii kordheysaa maalinba maalinta ka dambeysa, waxana ka dhalayana dhibaato beni’aadinimo aad u xun wakhtigaan. Shiinaha si lamida Soomaaliya waxa ay ka naxeen weerarkii dhacay October 7-deedii ee lagu qaaday cusbitaalka Gaza kaasi oo gaystay khasaaro culus. Dawladda Shiinaha si adag bay u cambaareysay weerarka, waxa ayna ku baaqday xabbad joojin deg-deg ah oo ah dadaalka uga muhiimsan ee laga badbaadin karo rayidka. Shiinaha,  Soomaaliya iyo dhamaan dalalka nabbadda jecel aad bay uga wel-welsan yihiin.

Mas’alada Falastiin, Shiinaha waxa uu mar walba la jiraa nabbadda, cadaaladda iyo damiirka beni’aadinimo sida uu dhawaanta ku cel-celiyey Wasiirka Arrimaha debbad Shiinaha, Mudane Wang Yi.

Dagaalka hadda socda, Shiinahu waxa uu dhiira-gelinayaa in mudnaanta la siiyo sidii dadaalka la’iskugu gayn lahaa in la joojiyo dagaal sida uga dhakhsiyaha badan, lagana hortago in uu sii fiido oo dhamaan yeelan waayo, lagana fogaado in ay xaalada ka sii darto. Shiinaha waxa uu adkaynayaa sida ay muhiim u tahay in la dhawro sharciga caalamiga ee beni’aadanimada, la sameeyaa dadaal walba oo lagu xaqiijin karo bed-qabka dadka rayidka ah, waa in loo furaa dariiq beani’aadantinimo oo lagu samatabixiyo, laguna caawiyo sida uga deg-degsiisan ee suura-galka ah, laga hortago in ay dhacdo masiibo daran ee beni-aadanimo ah. Shiinaha waxa uu cadeynayaa in wadamadu ay is-dejiyaan oo ay awoodooda xakameeyaan, ayna u wajahaan hab cadaalada ayna gacan ka gaystaan deminta colaada, kana fogaadaan in ay uga sii daraan amniga gobalka iyo caalamka. Sida caadada ah, Shiinaha waxa uu taageeraa doorka Qaramada Midoobay ee xalinta qaddiyada Falastiin, isaga oo ku nuux-nuuxsaya in Golaha Amaanka ee QM uu u baahan yahay in uu garabsiiyo muhiimada mas’uuliyada, uuna dhiso wax caalam uu heshii kuwa ah sida uga dhaqsiyaha badan oo suura-galka ah, uuna qaado talaabooyin lagu dhameynayo arrintan.

Shiinaha waxa uu sidoo kale sameeyey oo uu soo jeediyey qorshe nabbadeed. Bishii June, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sameeyey qorshe leh seddex nuqdo intii lagu jiray wadahadaladii uu lalahaa Madaxweyniha Falastiin, Maxamuud Cabas. Marka hore, xalka muhiimka ah ee qadiyada Falastiin waxa ay ku jirtaa dhismaha dawlad madax-banaan oo Falastiin yeelato, kuna raaxaysto madax-banaani buuxa oo aasaas u ah xuduudihii 1967-dii iyo oo caasimad u ah bariga Jerusalam. Marka xigta, Dhaqaalah Falastiin iyo noloshooda waa in wax laga qabtaa, beesha caalamkana waxa la doonaya in ay dar-dar geliso kaalmada hurumarineed iyo gar-gaarka beni’aadanimo ee Falastiin. Marka 3-aad, waxa muhiim ah in wadahadalada nabadeed loo maro jiho sax ah. Soo jeedintan waxa ay marag ka tahay dadaalka Shiinaha ee xalka si loo caawiyo in ay guuleystaan dib u heshiisiinta, loona dhiira-geliyo wadahadalada nabbadda.

Iyada oo laga jawaabayo baaqa QM ee ah in la yareeyo xaalada beni’aadanimo ee Gaza, Shiinaha waxa uu siinaya kaalmo deg-deg ah oo beni’aadanimo QM iyo Mas’uuliyiinta Falastiin si loo caawiyo waxna looga qabto baahida cuno, daawo iyo gabaad ee Gaza. Wasiirka Arrimaha Debadda Shiinaha, Wang Yi iyo ergayga gaarka ah ee Shiinaha arrimaha Bariga Dhexe, Zhai Jun ayaa kuluma la leh hogaamiyeyaasha diplomasiyiinta dalal dhawr ah si kaalin looga gaysto dejinta xaalada, loona dhiira-geliyo wadahadalada nabbadda.

Kol haddii ay kordhaysa caqabadaha adduunka, Shiinaha waxa uu la yimid 3-dex hindise oo waaweyn :-

Hindisaha Amniga Caalamka, kaasi oo ku baaqaya in laga wada shaqeeya amni guud oo la’isla fahmay oo waara, waana inuusan ahaan sida Falastiin iyo Isra’il, oo ay noqdaan laba dowladood oo deris ah, kuwaa oo amnigooda aan lakala qaybin karin, waana in laga hadlaa sidii nabbad waarta loogu heli lahaa labada dhinac.

Hindisaha Hurumarka Caalamka, kaas oo diirada saaraya hormarka kaas muhiim u ah dhamaan dhibaatada, xambaarsan xigmada aadanaha taasi oo ka hadlaysa sababaha muranada iyo is-fahmi waaga ka dhaxeeya labada dhinac ee colaada gobalka. Hurumarka wuxuu caawin karaa in la ga guul ku dhisan xal siyaaasadeed.

Hindisaha Ilbaxnimada Caalamka, kaasi oo adkaynaya is dhex-galka dhaqan, wax kala barashada labada dhinac iyo kala duwananshahooda, waxa ay iftiimin kartaa in labada dhinac ee dhaqan ahaan iyo diin-ahaan u kale duwan in ay si nabbad oo is ogal ah uga wada noolaadaan adduunka. Kala duwanaanshaha waa duco ma ahan habaar, waxa uuna noqon karaa isha awooda balse ma noqon doona colaada Falastiiniyiinta iyo Isra’il iyo beni’aadanka guud ahaan.

Marka uga dambeysa, xalka waxa u uku jirayaa gacmaha Falastiiniyiinta iyo Isra’iliyiinta. Dalalka jecela nabbadda ee adduunka, waxa aan sidoo kale leenahy door nabadeed, mid cadaalad, dhamaan dadka aan wax galabsan, nolosheena, iyo carruurteena iyo kuwa imaan doona. Waxa aan dhaqaajin karno ee hore loo socod siin karo waa inay noqotaa nabbada, balse waa in aysan xoog noqon, xushmad iyo difaaca dadka rayidka ah noloshooda balse ma ahan cagsigeeda.

Sida Madaxweyne Xi Jinping uu ka yiri Beijing furitaanka xaflada shirka 3-aad  ee Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Kaabaha Dhaqaale: Aadanaha waa bulsho mustaqbal wadaag ah. Shiinuhu waxa uu wax wanaagsan sameyn karaa marka ay dunida ay wax wanaagsan sameynayso. Marka Shiinaha uu wanaag sameeyo, dunidana wax ka wanaagsan bay sameynaysaa. Tani waa laga dhabeyn karaa Soomaliya, iyo waddamo badan oo adduunka ku yaala. Waxa aan dhamaanteen rabnaa oo aa istaahilnaa mustaqbal fiican, haddii aan gacmaha is-qabsano, maalmihii wacnaa baa imaanaya. Aan ku noolaano nabbad iyo amni kaliya meerahan dushiisa.

Waxa Qoray Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Fei Shangchao.