Qoraal uu soo gudbiyay safiirka Shiinaha ee fadhigiisu yahay dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka dalkaasiXi Jin ping oo ka hadlay xafladda daahfurka shirka sanadlaha ah Asia ee madasha Boao 2022, uu halkaasi ka akhriyay jeediyay khudbad cinankeedu ahaa “La socodka xaddiga caqabadaha iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo ku dhisan iskaashi.
Qoraalkaasi ayaa lagu xaqiijiyay ,inmarkii ugu horreysay uu madaxweynuhu soo jeediyey Hindisaha Amniga Dunida (Global Security Initiative),waxayna khudbadiisu uu u qorneyd sidaan:-
Mustaqbalka dunida ma waxaa uu noqon doonaa mid ammaan ah mise mid qalalaaso ah? ,iyadoo Xilligan uu si xowli ah u socdo qatarta cudurka COVID-19 iyo dagaalada adag ee ka qarxay Ukraine.
Caqabado amni oo soo jireen iyo qaar cusub ayaa soo ifbaxaya, kuwaas oo dibadda soo dhigaya dhibaatooyin xooggan oo ku hor gudban guud ahaan nabadda iyo horumarka.
Hindisahan muhiimka ah waxaa uu jawaabo cad ka bixinayaa su’aalaha taagan sida: Faham amni oo ceynkee ah ayey dunida u baahantahay iyo sida suurtagalnimo ee dalalku ku xaqiijin karaan amni mid ah, kaas oo waddo cusub u furaya maamulidda amniga dunida.
Hindisaha Amniga Dunida waxaa saldhig looga dhigay “Lix Ballanqaad” oo kala ah:
- Waa in ay naga go’naato ballan ku aadan aragti amni oo mid ah, guud, iskaashi iyo mid waarta ah.
- Waa in ay naga go’naato ballan la xiriirta xormeynta qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee dhammaan dalalka.
- Waa in ay naga go’naato ballan ah inaan u hoggaansanno ujeedka iyo Mabaadi’da ku jirta heshiiska Qaramada Midoobay.
- Waa in ay naga go’naato ballan ku saabsan in aan dhab u qaadanno walaaca amni ee sharciga ah ee dhammaan dalalka.
- Waa in ay naga go’naato ballan ah xal u helid nabdoon oo aan ku wajahno khilaafaadka iyo loolanka u dhaxeeya dalalka iyada oo loo marayo wadahadal iyo wadatashi.
- Waa in ay naga go’naato ballan ah ilaalinta amniga ee qaababkii horay la yaqaanay iyo qaababka cusubba.
Hindisahan qiimaha badan ayuu soojeediyey si uu u daboolo baahida daran ee heysata beesha caalamka ee la xiriirta ilaalinta nabadda dunida iyo kahortagga dagaallada iyo loolamada, hadafka guud ee dhammaan dalalka waa in la dhowro kala duwanaanshiyaha iyo wadajirka caalamka iyo rabitaan guud ee ku saabsan in si wadajir ah looga shaqeeyo in laga gudbo dhibka iyo dhismo duni wacan kadib caabuqii.
Hindisaha Amniga Dunida waxaa uu xididkiisu kasoo baxaa madaxbannaanida siyaasadda arrimaha dibadda ee ku dhisan nabadda ee Shiinaha cusub iyo hirgelinta siyaasadahaasi.
Hindisaha Amniga Dunida waxaa ay kasoo dabqaadatay caadooyinka soo jireenka ah iyo xikmadaha diblomaasi ee u gaarka ah shakhsiyadda Shiinaha.
Hindisaha Amniga Dunidawaa kaalinta dhanka wanaagsan ah ee Shiinaha ku taageerayo nabadda iyo amniga caalamka.
Shiinaha waxaa uu si joogta ah u raacaa horumar nabdoon, waxaa uuna leeyahay sooyaalka ugu fiican ee amniga iyo nabadda ee dalalka waaweyn dhexdooda ah.
Shiinaha waxaa uu xil iska saaraa mas’uuliyaadkiisa dowliga ah, waxaa uuna mar walba u ololeeyaa in la xormeeyo qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee dhammaan dalalka.
Shiinaha waa dalkii ugu horeeyey ee aasaasay Qaramada Midoobay, isla markaana saxiixa heshiiska UN-ka, waxaa ayna si sugan ugu dheggan tahay ujeedooyinka iyo mabaadi’da heshiiska Qaramada Madoobay. Shiinaha waxaa ay sidoo kale kala shaqeysaa beesha caalamka in si wadajir ah looga hortago caqabadaha amni ee cusub iyada oo kaalinteeda uga qaadata xikmadda iyo xal lagu yaqaan Shiinaha.
Shiinaha waxaa uu xoog u garab taagan yahay dhanka wada hadal nabdoon, oo sinaan iyo cadaalad ku jirto, waxaa uuna si xammaasad leh uga shaqeynayaa sahminta xal la jaanqaadi kara shakhsiyadda Shiinaha ee goobaha ay ka oloosan yihiin qadiyado kulul.
Arrimaha la xiriira Bariga Dhexe, Afgaanistaan, hawlaha ku saaban Nukliyeerka Iiraan iyo Nukliyeerka jasiiradda Korea, Shiinaha waxaa uu qaatay hindiso lagu xoojinayo wadashaqeynta caalamka iyo gudbinta kaalmo banii’aadnimo. Waxaa uu dhiirigeliyaa qeybaha kala duwan, kuna kaalmeeyaa in dhinacyada ay isugu yimaadaan meel dhexe, iyada oo meel la iska dhigayo khilaafaadka, taas oo ah iskudey ugu dambeyn xal looga gaarayo loolanada jira.
Ukraine, Shiinaha waxaa uu ka qaatay mowqif dhexdhexaad oo caadil ah marka la eego heerka qadiyaddan. Shiinaha waxaa uu si cad u diidayaa iskudey quwad ay doontooba ha ahaatee, ay uga sii dareyso xaaladda. Waxaa uu dadaal ku bixinayaa fududeynta wada hadal nabadeed, waxaa uu si xammaasad leh uga shaqeynayaa caawinta in la qaboojiyo xaaladda, lana badbaadiyo nolosha rayidka. Shiinaha waxaa uu ku dhiirigelinayaa dhinacyada loolamaya in ay dhisaan kalsooni dhexdooda ah, xaliyaan loolanka isla markaana ay adkeeyaan amniga iyada oo loo marayo wadahadal kaas oo helay taageerada iyo garab istaagga dalal badan oo ka tirsan caalamka.
Dhanka kale,Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ay leeyihiin xiriir saxiibtinnimo, soo jireen ah, oo qotodheer, waxaa uuna midkood midka kale ixtiraamaa, isla markaana uu taageeraa marka ay timaado xiriirka labo geesoodka ah ama midka dhinacyada badan, oo ay ku jiraan in si wadajir ah looga jawaabo caqabada kala duwan ee amni, kuwa soo jireen ah iyo qaarka cusub.
Soomaaliya waxaa ay hadda wajaheysaa xaalad banii’aadnimo oo khatar ah iyo marxalad kala guur ah oo daran, oo ay si madaxbannaan ula wareegeyso mas’uuliyadda amnigeeda qaran, tani oo dhinacyada kala duwan uga baahan taageero ballaaran, oo joogta ah.
Tan iyo sanadkii tagay, Shiinaha waxaa uu si joogta ah u bixinayey kaalmo banii’aadnimo oo qiimo ahaan gaareysa RMB 25.1 million yuan, tallaalka COVID-19 ee cadad ahaan dhan 700,000, gaadiid iyo qalab ciidan oo qiimo ahaan dhan RMB 30 million yuan, oo ay ku jiraan Ambalaasyada sida degdegga ah goobaha wax uga qaada, booyadaha shidaalka, gaadiidka biyaha, booyado, qalabka baara miinada iyo wixii la midka ah.
Si Soomaaliya looga caawiyo la tacaalista musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhasha isbadalka cimilada, Shiinaha waxaa ay marar badan siiyeen Soomaaliya kaalmo cunno ah. Si looga jawaabo abaartana waxaa ay dadaal ugu jirtaa bixinta kaalmo cusub oo cunno ah oo degdeg ah.
Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya kalsooni iyo taageero midba kan kale ah, waxaa ayna si dhow isaga kaashadaan qadiyadaha amni marka laga jooga madallaadka dhinacyada badan sida Qaramada Midoobay iyo madasha iskaashiga Shiinaha-Afrika ee (FOCAC).
Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa ay iskaashi xoogga oo la taaban karo ka leeyihiin arrimaha nabadda iyo amniga, iyo hirgelinta natiijada shirkii 8-aad ee heer wasiiro ee madasha iskaashiga Shiinaha-Afrika(FOCAC), oo uu qeyb ka ahaa barnaamijka nabadda iyo amniga iyo gaarista yoolka “Aragti fog oo nabadda iyo horumarka ee Geeska Afrika” si looga caawiyo dalalka gobolka la tacaalista caqabadaha amni, horumarinta iyo dowladnimada.
Waxaan rumeysanahay in soojeedinta Hindisaha Amniga Dunida uu horseedi doono fikir wax ku ool ah, iyada oo intaas dheer tahay habab wanaagsan loogu taaba gelinayo dadaallada socda.
Dunida waxaa ka socda isbadallo waaweyn oo aan qarniyo la arag, oo ay ku jiraan xaalado isdiidan, oo aad u dhib badan. Caabuqa COVID-19 iyo xiisadda Ukraine ayaa ah digniin cad oo ku socota dadka oo dhan oo ah dhibaato cid weliba gaartay.
Bay’ad deggan oo nabdoon waxaa ay dalalka ka caawin kartaa in ay diiradda saaraan kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo wanaajinta heerka nolosha dadka iyo iskaashi labo dhinac ah si looga hortago caqabadaha dunida nooca ay doonaanba ha ahaadaane.
Shiinahu, waxaa uu rajo ka qabaa in Soomaaliya iyo dalalka kalaba uu kala shaqeeyo hirgelinta siyaasadaha iyo hiigsiga Hindisaha Amniga Dunida, oo ay ku jirto in lagu dhabar-adeygo kaalinta iyo awoodaha Qaramada Midoobay, lana raaco fikirka guud ee lagu xoojinayo in loo wada hadlo si nabad loo helo, waa in aan siyaasad guud ka yeelano waxyaabaha caqabadaha soo jireenka ah iyo kuwa cusub iyo inaan isku dheelli tirno horumarka iyo amniga.
Waa in aan awooddeena isugu geyno si aan u dhisno duni sidan ka amni, ammaan iyo horumar badan iyo dhismaha bulsho caalami ah oo masiirkoodu mid yahay.