Shiinaha oo ergey cusub u soo magacaawday geeska Afrika

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing, u soo magacaawday in uu noqdo ergay u qaabilsan geeska Afrika.

Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana sidokale ka soo shaqeeyay qeybo kamid ah Qaaradda Afrika iyo Ameerika, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa  horay u dhawaajiyay bishii Janaayo ee sanadkan, mar uu safar ku marayay bariga Afrika in Dowladiisa ay qorsheeysay magacaabista noocaan ah.

“ Mr Xue Bing, Shaqadiisu waxay noqon doontaa horumarinta Nabadda iyo  xasilloonida gobalka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

Waddamada Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.