Sheekh Aadan Madoobe oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee qaata shahaadada musharaxnimada.

Sheekh Aadan Madoobe oo noqday musharaxii ugu horreeyay ee qaaata shahaadada musharaxnimada.
Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta bilaabay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labada kuxigeen. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa noqday musharixii ugu horreeyay ee is diiwaan galiya oo qaata Shahaadada Musharaxnimada.
Bartamaha toddobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la doorto Guddonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya