Sheekh Aadan Madoobe oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka

Qaar kamid ah maamulka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magalada  Washington ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa la wadaageen xaaladda guud ee dadka Soomaalida iyo kaalinta ay ka qaataan haddeey ahaan laheyd dhinacyada horumarka  ee ka socda Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka,isagoo ku booriyay in ay gacan ka geystaan dadaalka loogu jiro horumarinta dalka.